Waxaa dhammaan dadwaynaha ku nool degmooyinka Galdogob iyo Bursaalax la ogaysiinayaa in dugsiyada farsamada gacanta ee Galdogob iyo Bursaalax Livelihood Skills Center uu qaadanayo arday cusub oo baranaya xirfado muhiim ah muddo lix billood.
Ardayda cusub waxay wax ku baranayaan lacag la’aan ayagoo qayb ka ah mashruuca Xalka Waara ee JRP, oo ay fulinayso hay’adda maxalliga ah ee SALAAM DEVELOPMENT CENTER (SDC) oo wakiil ka ah hay’adda caalamiga ah ee @WFP.

📌 FG: Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir lanbaradaan hoose ama booqo xarunta:
📍 Galdogob: 907755101
📍 Bursaalax: 907766883
#SDC with #WFPSomalia